Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Dhuusamareeb oo Laga Hirgeliyay Suuq Sacsi ah Markii Ugu Horeysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha suuqa Bacadlaha caasimadda Dhuusamareeb oo loo dhisay qaab casri ah, kaas oo qeyb ka ah hormarka dhanka bulsho eek a socda caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay muhiimadda ay bulshada caasimadda u leedahay in helaan dhismayaal casri ah oo ay ku ganacsadaan si ay u kobciyaan dhaqaalahood, balse sidoo kale ay muhiimad siisay dowladdu kobcinta dhaqaalaha dadweynaha

Madaxweynaha ayaa  dhanka kale sheegay in  aysan dowladdu kaliya xil iska saarin dhismaha hay’adaha dowliga ah, laakiin xoogga la saarayo sidii bulshadana loogu abuuri lahaa hormar dhinac dhaqaalaha ah, suuqaan ayaa ah suuqii ugu horeeyay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this