Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Guddoomiye Sacdiya oo si kulul uga hadashay tallaabadii uu qaaday Saciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
Sacdiyo.jpg?fit=1600%2C1066&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa si kulul uga hadashay in laga hor istaago inay tegto magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Marwo Sacdiya ayaa sheegtay in iyada iyo masuuliyiintii kale oo qeyb ka ahaa wafdi ay horkaceysay uu socdaalkooda ka madhnaa arrimo siyaasadeed, una socdeen deegaankooda.

“Aniga waxay ii aheyd markii labaad, anigoo raashi u wada Boosaaso uu madaxweyne Deni iga soo celiyay. Xishood la’aanta siyaasadeed ee Deni ayaa ku magacaabi karaa iyo ayaan darada, dadka Puntland iyaga garanaya waxay kaga fal-celinayaan,” ayuu tiri Marwo Sacdiya.

Waxay intaas kusii dartay “Waxaan kamid aheyn dadkii u socday caano-shubka Suldaan Bashiir Suldaan Cabdillaahi, waxaan nahay dadkii deegaanka u dhashay ee metelayay.”

Wafdiga Sacdiya horkaceysay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Macdanta Maxamuud Mashruuc, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin kale oo dhammaantood kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sacdiya ayaa sidoo kale waxay shaki gelisay dimuqraadiyada uu madaxweyne Deni raadinayo mar haddii uu masuuliyiintii deegaanka uu ka celinayo magaalada Garoowe, “Anaga oo siyaasad u socon nala soo celiyo iyo inuu shalay uu Deni caalamka u sheegayay waxa ka shaqeynaya dimuqraadiyad.”

Deni ayay weydiisay illaa inta masuuliyiinta ay kamid tahay laga celinayo inay tagaan deegaankooda, “Illaa imisa ayay tahay in aan Puntland soo gelin karin ayaa weydinaya madaxeynaha,” ayey tiri Sacdiyo.

Waxay ka dalbatay Isimida dhaqanka ee Puntland inay badbaadiyaan maamulka, si looga baaqsanayo damaca guracan ee Saciid Deni, islamarkaana ay ka hadlaan sida uu wax u wado madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin.

“Masuuliyad la’aanta uu sameynayo Deni anaga waxaa door-bidnay in aan intaas ku joojino, waxaa sugeyna in Isimida ay gacanta ka qabtaan oo waddanka ka badbaadiyaan, siyaasad ayuu ku sasay Deni.”

Waa markii labaad oo Sacdiya laga celinayo Puntland, waxayna aheyd sanadkii hore markii laga soo celiyay garoonka magaalada Boosaaso, xilli ay gargaar u waday halkaasi, sababta ayaa Puntland waxay xilligaas ku sheegtay in aysan ku wargelin socdaalkeeda.

Si kastaba, Is hortaagga lagu sameeyay wafdigaan ee maanta laga celiyay Garoowe ayaa kusoo aadaya, xilli uu halkiisii yahay khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay maamulka Puntland iyo dowladda dhexe.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Daawo: Guddoomiye Sacdiya oo si kulul uga hadashay tallaabadii uu qaaday Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this