Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali Waraabe oo Shaaciyay in Aanay Mucaaridku Tanaasuli doonin

Recommended Posts

Deeq A.   

Faysal C. Waraabe oo Shaaciyay in Aanay Mucaaridku Tanaasuli doonin
IMG-20230724-WA0002.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanay maanta tanaasuli doonin.

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dalka laga badbaadiyo wax uu ugu yeedhay kooxda Muuse oo uu ku eedeeyay inay hore u rideen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Somaliland.

“Tanaasuli-mayno, Go’aan ayaanu Gaadhaynaa, Taayada ayaanay Noqonaysaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal wuxuu ku dooday in Somaliland reerba calan qadan doono ama la qaban doono doorasho madaxtooyo waxaanu yidhi “Laba mid ayuun bay noqonaysaa,In maanta la kala baxo oo reerba calan qaato iyo inaaad ninkaas u tagtaan oo aad tidhaahdaan doorasho madaxtooyo ayuun baa dalka ka dhacaysa ee qabo.”

“In badan ayay tiisa noqotee maanta teena ayay noqonaysaa,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo taageereyaashiisu maanta ku soo dhaweeyeen Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tagay dalka dibadiisa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this