Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha UCID oo si Xamaasad Leh loogu soo Dhaweeyay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha UCID oo si Xamaasad Leh loogu soo Dhaweeyay Hargeysa

IMG-20230724-WA0002.jpg

IMG-20230724-WA0003.jpg

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo muddo socdaal gaaban dibadda ugu maqnaa ayaa maanta sidii ugu ballaadhnayd loogu soo dhaweeyay Hargeysa.

Kumanaan Taageereyaal ah oo ka kala yimid degmooyinka Hargeysa ayaa si xamaasad leh ugu soo dhaweeyay Hargeysa Guddoomiye Faysal, waxana soo dhaweyntan laga dareemayey khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay kala hormarinta doorashada Ururrada iyo ta madaxtooyada ee dhawaan Komishanku ku dhawaaqeen oo UCID iyo WADDANI ka soo horjeedsadeen.

Taageereyaasha UCID ayaa ku dhawaaqayey hal ku dhegyo ay ku taageerayeen Hoggaamiyahooda.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi inuu kala tag u horseedayo dalka,wuxuuna balan qaaday in aanay u tanaasulaynin waxaanu ku dooday in doorashada kaliya ee ay ogol yihiin tahay doorashada Madaxtooyada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this