Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kulankii Deni, Jibriil iyo Karaash oo lagu kala kacay

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-Karaash.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan xasaasi ah la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Axmed Karaash.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka Baarlamaanka Puntland, wuxuuna ujeedkiisu ahaa in Karaash lagu qanciyo qorshaha Saciid Deni ee furista dastuurka, kaasi oo dagaal ka riday magaalada Garoowe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi xalay dhexmaray Saciid Deni, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Axmed Karaash ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii lagu kala kacay.

Madaxweyne Deni iyo Cabdirashiid Yuusuf ayaa kulankii xalay isku dayay in ay Karaash ku qanciyaan furista dastuurka balse isku-daygaas ayaa fashil ku soo dhamaaday, iyada oo uu ka gows adeygay qorshahaasi madaxweyne ku-xigeenka, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow.

Axmed Karaash ayaa la sheegay inuu iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara, kaasi oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay sidoo kale caawa ku ballansan yihiin kulan dambe oo uusan ku wehlin madaxweyne ku-xigeenka, oo ka horyimid qorshaha wax looga beddelayo dastuurka maamulka Puntland.

Kulankaan ayaa imanaya xilli baarlamaanka Puntland uu dib u dhigay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada, ee ka taagan maamulkaasi.

Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsan in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah isimada Puntland ee Garoowe ku sugan ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada.

Ciidamada kasoo horjeeda wax ka beddelka dastuurka ee taabacsan mucaaradka ayaa dhankooda sheegay inay dagaal ka xigaan haddii uu baarlamaanku isku dayo in dastuurka wax laga beddelo.

Si kastaba, Isku-deyga wax ka beddelka dastuurka oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Deni ayaa haddii uu ku dhiirado Baarlamaanka horseedi kara qalaalase siyaasadeed iyo mid amni, sidii dhawaan ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

The post Xog: Kulankii Deni, Jibriil iyo Karaash oo lagu kala kacay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this