Sign in to follow this  
Deeq A.

Saleebaan Gaal oo ku dhawaaqay in jabhada buuraha galay laga daba tago oo….

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Saleebaan Gaal ayaa qaranka iyo hogaanka dhaqanka Somaliland ugu baaqay in laga daba tago jabhada hubaysan ee gashay buuraha oo arinkooda la xaliyaa.

Saleebaan gaal oo hanbalyaynaayay gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada ayaa sheegay in ay mihiim tahay in ragaa la sheegaayo in ay buuraha galeen aan la eegan ee lagadaba tago.

Gudoomiyaha guurtidu waa masuulkii u sareeyay ee ka hadla jabhadani isku urursanaysa buuraha gacan Libaax iyo meelo kaaba kuwaasi oo ka soo hor jeeda ama dilaacay go’aankii gudiga doorashooyinka ku dhawaaqeen ee ahaa in la soo horo mariyo doorashooyinka uururda xaga doorashadii madaxweynaha ee diyaarka ahayd la laalay.

Saldhigan ciidan ee maleeshiyaad ku hadlay magaca beesha West Burco Clan oo dega shan gobol oo ka mid ah Lixda gobol ee Somaliland ayaa la soo sheegayaa in gobolo kale oo aan ahayn goobtani ay degeen abaabulkeeda la wado un baahantahay in lagu xaliyo wada hadal iyo ka hortag intaanay xaaladu faraha ka sii bixin, waxana jira dhalinyaro badan oo ku sii qul qulaysa buurahaasi oo ku biiraaya ciidamadaasi ka soo hor jeeda xukuumadda Muuse Biixi oo ka kala tagaaya gobolada Togdheer, Saaxil iyo Maroodijeex, xaga gobolka Sanaagna laga soo sheegaayo abaabul iyo kacdoon huursan oo aan wali soo shacbixin

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this