Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan xalay dhexmaray madaxda sare ee Puntland oo fashil ku dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1690183121076.jpg?resize=720%2C48

Kulan gaar ah oo xalay dhexmaray madaxweynaha Puntland, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka Baarlamaanka ayaa fashil ku dhammaaday.

Xog hoose ayaa ka soo baxaysa kulan albaabadu u xiran yihiin oo Siciid Deni, Axmed Karaash iyo guddoonku ay xalay ku yeesheen xarunta madaxtooyada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulankii xalay isku dayay in ay Madaxweyne ku xigeenka ku qanciyaan furista dasturka balse isku daygaas ayaa fashil ku dhammaaday.

Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa sida wararku sheegayaan iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara.

Madaxweyne Deni iyo guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale caawa ku ballansan kulan danbe oo uusan ku wehelin madaxweyne ku xigeenka.

PUNTLAND POST

The post Kulan xalay dhexmaray madaxda sare ee Puntland oo fashil ku dhammaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this