Sign in to follow this  
General Duke

TFG and Courts agree on SECESIONISTS....

Recommended Posts

Maxkamadaha Islaamiga Iyo Dawlada Kumeelgaadhku Somaliya Maxay Ka Siman Yihiin?

 

JUMHURRIYA

Sida aynu la socono waxaa ismaandhaafkii siyaasaddeed ee saaraa qaalinka buubaalka ah ee ka Somaliya (ex. koonfurtii Somalia) la soo baxay weji cusub oo bilaabmay sanadkan bilawgiisii.Waxaa hadda hogaanka ratigaa caaraddiisa haya Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho, waxaana heeryaddii ratigaa ka soo siibtay dagaal oogayaashii afkooda eersaday ee la baxay Isbahaysiga Argagixiso La Dirirka oo qaaday toobiyihii caadada u ahaa cid kasta oo ummada dhibta.Waxaa kale oo iyana ay falaadhu ku foorartaa Dawladdii Meel Magaadhka ahayd oo ku asqawday xawliga iyo xawaaraha ay hawlaha Xamar u socdaan, oo kolay iyana waa Dawladdaa Guurguurtee iminka si dhakhso ah u kala Guuraysa.

Waxaa iyana meesha aan ka madhnayn siyaasaddii Somaliland iyo dadkeeda ee ahayd Sug oo Dhawr, iyo u fiirsasho la’aanta haddalada ka soo yeedhaya kooxahan siyaasada koonfurta Somaliya isku xidhiidhisay oo aaminsan in ay inaga mas’uul yihiin.

 

 

Waxa ay mas’uuliyiinta Koonfurta Soomaaliya ha ahaadeen Culimo Diineed, Siyaasiyiin ama Shiciba in ay intooda badani ka siman yihiin arin kaliya taas oo ah in aanay dadka reer Somaliland aanay ka tashan Karin aayahooda isla markaana ay u haystaan in aayaddo gaar ihi ku soo degeen midnimaddii lagu khasaaray ee ay dadka reer Somaliland si kalgacayl, calool fayoobaan, daacadnimo iyo Soomali jacaylnimo ah ugu hanneeyeen xornimadii ay ka qaateen Ingriiska walaalahooddii Talyaanigu gumaysan jiray. Ka fiirsasho la’aantaas iyo gorfayn la’aantaasu waxay keentay in ay dadkii u dhashay Somaliland oo weliba loogu magacyo bixiyay HADYADDII qaaliga ahayd ee ay HIBEEYEEN.

 

 

Dhamaanteen waynu ognahay halkii ay ka taagnaayeen Jiritaanka iyo Aayo ka tashiga dadka Somaliland qolyihii hore ee hogaanka xuubka caarada ah ku maamuli jiray (Sida Carta iyo Isbahaysigii xaaraanta ahaa) ama iminkaba u haysta in ay ku maamulaan Koonfurta Soomaaliya (Dawlada in aYEY). Bal aan idiin yara bidhaamiyo kooxdan cusub ee Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho iyaguna waxa ay ka qabaan Somaliland:

 

 

1) Shirkii jaraa’id ee ugu horeeyey ee uu qabto Sheekh Shariif wuxuu ku sheegay in ay dhisayaan dawlad ka talisa dhamaan dhulka Soomaalida.

 

2) Mar uu waraysi Sheekh Shariif waraysi siiyay Awdal News waxa uu ka yidhi su’aal ahayd Somaliland:

 

 

“ANN- Somaliland has a well-established government that has seceded from the rest of the country with the people’s support. How do you see it?

 

 

Sh. Sherif- I congratulate the Somaliland people, they have worked hard. They are people we love; they are Somali people. Somaliland’s secession was due to mistakes that happened in the past. For our part, we would like these mistakes to be addressed.â€

 

“Addressed†tolow side???????????

 

 

3) Waxaa taas ka duwanaa mar su’aalo ay dadku ku soo weydiinayeen e-mail laguna soo ururiyey www.onkod.com oo uu uga jawaabayey Sheeku su’aal ku saabsan Somaliland waxay shebakada Onkod u qortay sedan:

 

“Soleman Ahmed, Uk: Shiekhu siduu u arkaa gooni isu taagga Somaliland? Wadahadal ma jecelyahay inuu la yeesho xukuumadda Somaliland?

 

 

Sheekh Shariif: marka hore waxaan ogsoonahay midnimada umadda soomaaliyeed iyo xoriyadeeda dhiig badan ayaa usoo daatay, howl badanaa loo soo galay, gumaysiguna maca thaalika intaas waxaa uu ku guulaystay in uu 5 qaybood u qaybiyo, maanta waxa socdana waa in markale la qaybiyo, marka anaga iyo dadka Soomaaliyeed ee maanta jooga waxaan isleenahay waxaa waajib ku ah in ay dhamaantood u shaqeeyaan in ay xaqiijiyaan midnamadii umadda Soomaaliyeed oo marnaba aysan arintaasi dayicin.â€

 

http://www.onkod.net/modules.php?name=News&file=article&sid=1304

 

Isku soo wada duuboo waxaad moodaa ama ay tahayba in koonfurta Somaliya Culimadeeda diimeed iyo Siyaasiyoontoodu ay yihiin kala hadaf siyaasadeed (waa dantooda e), isla markaana isku ujeeddo ka yihiin arinta Somaliland .Haddaba isku soo xooriyoo waxaa halkaa ka cad in inta badan reer koonfureedku aanay raali ka ahayn jiritaanka iyo go’aanka ay Somaliland ku gaadhay inay aayahooda ka tashadaan.Inkasta oo ay Somaliland walaalahooda Somaliya u duceeyaan iyo in ay weliba markasta la garab taagan yihiin in ay si walaaltinimo iyo derisnimo wanaag ahna u wada noolaadaan walaalahooda reer Somaliya.

 

 

Ahmed Garow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this