Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Maxaa ka jira in Qamar Suugaani lagu xiray garoonka Hargeysa?

Recommended Posts

Deeq A.   
Suugaani.jpg?fit=1232%2C1283&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu baahay baraha bulshada in Fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Fanaanka Qamar ayaa kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo muddooyinkii dambe uu ku sugnaa, isaga oo saaka soo gaaray garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameeysay saraakiisha garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in aan la xidhin Qamar Suugaani.

Qamar ayaa waxaa muddo kooban lagu hubinayay waraaqihiisa garoonka Hargeysa, taasi oo keentay in rakaabkii kale ee isla socdeen uu ka haro.

Warka sheegaya in la xiray ayaa ka dhashay daahista uu Qamar ku daahay gudaha Garoonka, halka dadkii kale ee flight-ka la wada socdeen ay gudaha u galeen magaalada Hargeysa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Fanaanka Qamar Suugaani ayaa hadda ka baxay garoonka kadib hubinta uu maray ee la xiriiray document-yadiisa

Qamar oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu hadal hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada, kadib markii uu sheegay in uu sax aheyn oo wax loo qabtay, uuna rabo in deg deg loo geeyo Hargeysa.

Arrintaasi ayaa dadku si kala duwan uga fal-celiyeen, isaga oo ugu dambeyntiina maanta kasoo degay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

The post XOG: Maxaa ka jira in Qamar Suugaani lagu xiray garoonka Hargeysa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this