Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Maanta Dhaceysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalinka maanta Axad ah lagu  mudeysan yahay doorashada gudoonka golaha wakiilada Somaliland taas oo ay ku loolamayaan laba xubnood oo horay xilal uga soo qabtay Somaliland, kadib iscasilaaddii guddoomiyihii hore ee golaha Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ku biiray dhaqdhaqaaqa SSC.

Yaasiin Xuseen Faratoon iyo Cali Xaamud Jibriil ayaa ku tartamaya qabayasha hoggaanka golaha Wakiillada Somaliland, labadaan mas’uul ayaa xilal kale duwan kasoo qabtay Somaliland, waxaana ilaa iyo xalay laga dareemayay magaalada Hargeysa ololaha ay wadaan labada musharax.

Yaasiin Xuseen Faratoon ayaa waxaa la shegayaa inuu heysto inta badan taageerada xildhibaannada golaha, xilli saacadihii ugu dambeeyay ee xalay ay soo baxayeen in Xildhibaanka la tartamaya uu dhankiisa leeyahay saameyn xooggan isaga oo garab ka helaya xisbiyada mucaaradka ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this