Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo dib u bilaabay ololihiisa furista dastuurka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay dib u bilaabay ololihiisa ku jihaysan furista dastuurka sida ay wararku xaqiijinayaan.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay kulamo kala duwan oo xasaasi ah la yeeshay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Xildhibaannada qaarkood ayaa noo xaqiijiyay in madaxweynuhu kala hadlay in ay sii wadaan furista dastuurka si wax ka beddel loogu sameeyo qodoba kamid ah.

” Waxa uu naga codsaday in aan sii wadno wax ka beddelka dastuurka waxaana xaqiiqdii ka muuqatay in tallaabadaasi ka go’an tahay” ayuu yiri xildhibaan xalay la kulmay madaxweynaha.

“Madaxweynaha go’aankiisu waa kii hore waxna kama beddelin waxaa uu naga codsaday in aan guda galno furista dastuurka” ayuu yiri xildhibaan kale oo madaxweynaha la kulmay.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu caawa la kulmo xildhibaannada harsan oo uu kala hadlo furista dastuurka.

Baarlamanka Puntland ayaa 20 bishii June ee tagtay u codeeyay in la furo dastuurka waxaase tallaabadaasi sababtay dagaalkii ka dhacay Garoowe.

Taliyaha ciidamada Danab ee taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah Gen. Jimcaale ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in aysan marna aqbali doonin wixii ay ka dagaallameen.

Dhinaca kale waxa laga war sugayaa islaan Ciise iyo islaan Bashiir oo ku hawllan xal u raadinta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan furista dastuurka iyo hubanti la’aanta doorashada 2024.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo dib u bilaabay ololihiisa furista dastuurka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this