Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamaasadaha iyo Loolanka Guddoomiyaha Cusub ee Wakiillada oo laga daremayo Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Xamaasadaha iyo Loolanka Guddoomiyaha Cusub ee Wakiillada oo laga daremayo Hargeysa

Hargeysa(Qaran)-Waxa maalinta berri oo taariikhdu tahay 23ka Bisha July 2023 la dooran doonaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland. Waxana xilkaasi u tartamaya oo codsiyadoodii gudbiyay manta Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil iyo Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Labadan murrashax oo ka soo kala jeeda gobollada Awdal iyo Sool ayaa saaka codsiyadoodii ay ku shaacinayeen Murrashaxnimada iyo CV-yadoodii u gudbiyay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada oo xeer hoosaadkoodu dhigayo.

Sidoo kale, waxa aad looga dareemayaa magaalada Hargeysa loolanka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo kala jiidashada xildhibaannada oo aad xamaasadoodu u sarrayso.

Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil waxa taageeraya xildhibaannada ka soo jeeda axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, halka Prof Faratoon ay wataan Urur Siyaasadeedka KAAH oo xildhibaanno badani ku biireen iyo xisbul-xaakimka KULMIYE.

Sidoo kale, Xukuumadda ayaa maanta caddaysatay inay wadato Faratoon, sida uu fagaare ka xaqiijiyay Afhayeenka Xukuumadda ahna Wasiirka Warfaafinta,Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this