Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Xaamud oo Tanaasulay iyo Murrashax Kale oo mucaaridka iska soo Sharaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Cali Xaamud oo Tanaasulay iyo Murrashax Kale oo mucaaridka iska soo Sharaxay

IMG-20230722-WA0018.jpg

Hargeysa(Qaran)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Cali Xaamud Jibriil ayaa ka tanaasulay loolankii uu ugu jiray xilka guddoomiyaha Golahaas.

Cali Xaamud ayaa warku sheegay inay ka baydheen xildhibaanno badan oo uu tirsanayey oo ay ka mid ahaayeen 13ka Xildhibaan ee reer Awdal oo qaar badan oo ka mid ahi taageereen Murrashax Faratoon.taasina waxay dhalisay inuu ka hadho tartanka Guddoomiyaha, si uu u sii ahaado guddoomiye kuxigeenka labaad oo uu doonayey inuu beri iska casilo haddii uu kalsooni buuran ka helo xildhibaannada.

Warku waxa uu intaas ku daray in markii uu soo baxay tanaasulka Cali Xaamud ay dhacday Xildhibaan Maxamed Khadar oo ka mid Mudaneyaasha xisbiyada mucaaridku uu go’aansaday inuu beri la tartamo Murrashax Faratoon oo ay taageerayaan xildhibaannada muxaafidka ah iyo xildhibaanada uu yeeshay Guddoomiyaha Ururka KAAH oo iyaga cidda ay u coddaynayaan uu u soo dhiibo Maxamuud Xaashi taasi oo laf jab ku ah milgaha xildhibaanada qaran ee gacanta ku haysto siyaasi aan ahayn madax ugu ahayn xisbigii ay ka soo baxeen.

Loolanka doorashada guddoomiyaha cusub ee Wakiillada waxaanu idiin soo gudbin doonaa hadba siday wax u dhacaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this