Sign in to follow this  
Deeq A.

Daahir Maxamed Kaanti oo QARAX lagu dilay maanta

Recommended Posts

Deeq A.   
362935428_294223489800417_17166104754101

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday mas’uul ka tirsanaa HirShabeelle.

Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay Daahir Maxamed Kaanti oo ah sarkaal ka tirsanaa waaxda maaliyadda dowladda hoose ee Jowhar, kaas oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaaladaasi.

Marxuumka ayaa la sheegay in markii hore uu dhaawac soo gaaray, balse mar dambe uu ku geeriyooday gudaha isbitaalka.

Sidoo kale  waxaa weerarkan qaraxa loo adeegsaday ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada ammaanka oo xilligaas ku sugnaa goobta, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Suuqa xoolaha ayaa xilliga uu qaraxu ka dhacayay ahaa mid mashquul ah, maadaama ay Sabti aheyd dadweyne fara badana ay uga yimaadee duleedka magaalada Jowhar.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay qaraxa uu ahaa mid suuqa lagu sii diyaariyay isla-markaana lagu aasay dhulka hoostiisa, kadibna lagu qarxiyay sarkaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa saldhigga booliska oo halkaas ka sameeyay howlgallo kooban.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha geystay.

Jowhar ayaa waxaa horay weeraro culus uga fulisay kooxda Al-Shabaab oo marar badan is-miidaamin ku qaaday gudaha magaaladaas oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShablle,

The post Daahir Maxamed Kaanti oo QARAX lagu dilay maanta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this