General Duke Posted October 29, 2008 Nayroobi: Madaxweynayaasha IGAD oo soo xiray kulan ay ku lahaayeen Magaalada Nayroobi. 29. oktober 2008 Nayroobi(AllPuntland)- Madaxweynayaasha IGAD oo shirsanaa ilaa saaka ayaa maanta soo xiray fadhigoodii waxa ayna ka soo saareen qodobo dhowr ah oo ay aaminsan yihiin in wax looga qaban karo dhibaatada ka taagan gudaha dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Kenya Mwai Kibeki & Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zanewi oo hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadgalyada dalka Soomaaliya, markaasna la sameeyo horumar toos ah oo laga sameeyo. Qodobadii ay gaareen Madaxweynayaasha IGAD ayaa kala ahaa. 1: In la dhiso dawlad loo dhan yahay oo ku dhisan habka federaalka laguna qaybsado nidaamka 4.5 2: In la bilaabo diyaarinta mudo gaaban dastuurkii lagu balamay 3: In mudo 15 maalmood ah lagu dhiso maamulka Gobolka Banaadir. 4: In Baarlamanka uu ka wada shaqeeyo, isla markaana dalka gudihiisa ay ku laabtaan wixii ay qabtaan ay la socdaan urur Goboleedka IGAD. 5: In wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD ay madaxdoodu shiraan 6 bil oo kasta iyagoo ka shiraya xaalada Soomaaliya, iyagoo labadii bilood qaadanaya warbixino ku aadan xaalada Soomaaliya. 6: In hadii loo baahdo waqti lagu dari karo xukuumada iminka jirta. 7: In ay si buuxda u cadahay in dawlada federaalka ay ku fashilantey waxyaabo badan oo looga fadhiyey 8: In la sii wado arimaha dib u heshiisiinta, isla markaana laga shaqeeyo sidii dhinacyada ka maqan nidaamka dawlada lagu soo daro. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites