Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Isbaarooyin horleh oo lasoo dhigtay gudaha magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Baladweyne.jpg?fit=720%2C351&ssl=1

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in xaalad adag ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in isbaarooyin tiro badan lasoo dhigtay gudaha iyo duleedka Beledweyne, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga guud ee magaaladaasi.

Caanooy ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidka ganacsiga loo diiday inay gudaha u galaan magaalada, maadaama jidgooyooyin horleh lasoo dhigay halkaasi.

“Beledweyne maalmahaan waxaa jirta in gaadiidkii uu Problem uu ka jiro oo magaalada Beledweyne dhexdeeda iyo bannaankeeda ay isbaarooyin yaaliin, waxaan raanaa in dadka Soomaaliyeed oo ganacsatadaha loo furo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay saameyn ku yeelatay nolosha shacabka Beledweyne, isla-markaana sicir barar baahsan laga dareemayo magaaladaasi.

“Maciishaddii iyo quutul daruuriga wax kasta waa qaaliyoobeen dadka xoolihii laga gadanaayay iyo kuwii gadanaayay way isku dhiban yihiin” ayuu hadalkiisa ku daray.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatadaas, lana qaado isbaarooyinka uu sheegay in lasoo dhoobay magaalada Beledweyne.

“Waa in isbaarooyinka la qaado magaaladaasna ay noqoto mid lasoo geli karo, ma rabno dadka Soomaaliyeed ganacsigooda in la cunaqabateeyo” ayuu mar kale yiri.

Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii ka jiray dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeday, kadib markii uu khilaaf xoogleh ka dhashay xilka qaadistii guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

The post Daawo: Isbaarooyin horleh oo lasoo dhigtay gudaha magaalada Beledweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this