Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Mideeye oo dacwad ka dhan ah furista dastuurka u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1690026202831.jpg?resize=720%2C48

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa maanta oo Sabti ah dacwad u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah ee dowladda Puntland.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Mideeye mudane Daahir Xaaji Khaliif ayaa warbaahinta u xaqiijiyay warka ku saabsan dacwadda Mideeye u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah.

Guddoomiye Daahir Xaaji ayaa sheegay in ay maxkamadda u gudbiyeen dacwad ka dhan ah furista dastuurka Puntland islamarkaana ay filayaan in maxkamaddu dacwaddaas qaaddo.

“Waxaan maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland geynay dacwad ka dhan ah furitaanka dastuurka” ayuu yiri guddoomiyaha urur siyaasadeedka Mideeye oo warbaahinta la hadlay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale dhawaan maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland u gudbiyay dacwaddan oo kale.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Mideeye oo dacwad ka dhan ah furista dastuurka u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this