Deeq A. Posted July 22, 2023 Dowladda Iraq ayaa gebi ahaanba dalkeeda ka eriday, danijirihii Sweden u fadhiyay Baghdad sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas. Tallabadaasi Ciraaq ayaa ah mid ay ku gudbineyso farriin ay uga cabanayso fal qorsheysan oo lagu rabo in lagu gubo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah gudaha magaalada Stocklom ee caasimadda Sweden. Wakaaladda wararka Ciraaq oo soo xigenaysa bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, ayaa ku warrantay in xukuumadda Baghdad ay sidoo kale u yeeratay danjiraha u fadhiya Sweden. Dibad-baxayaal kasoo horjeeda Islaamka oo uu ku jiro nin muhaajir ah oo asal ahaan kasoo jeedo Ciraq ayay ciidanka booliska Sweden u oggolaadeen inay Musxafka Shariifka ah ku gubi karaan bannaanka hore ee Safaaradda Ciraq ee magaalada Stocklom. Ninkan Ciraaqiga ah ayaa bishi June, kitaabka Qur’aanka ku hor gubay masaajid ku yaalla caasimadda Sweden. PUNTLAND POST The post Sweden oo weli cambaareyn kala kulmaysa gubista Qur’aanka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites