Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka dhex taagan Sacuudiga iyo Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   
xiisad-sacuudi-iyo-imaaraat.jpg?resize=7

Warbaahinta caalamka iyo midda bariga dhexe ayaa mar kale isha ku heysa khilaafka soo cusboonaaday ee u dhexeeya labada nin ee isku heysta awoodda bariga dhexe ee Maxamed Bin Salmaan iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta , Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa ku hanjabay inuu cunaqabatayn saari doono Imaaraadka Carabta, isagoo wada-hadal gaar ah la yeeshay saxafiyiinta, markaa waxaa u sheegay in uu Abu Dhabi u soo diray liis dalabaad ah, wuxuuna ka digay in Sacuudigu uu qaado tillaabo ciqaab ah oo ka dhan ah haddii Imaaraadku sii wado xadgudubka uu ku hayo boqortooyada.

Xiisadan sii kordheysa ayaa walaac ku beertay mas’uuliyiinta Mareykanka oo ka cabsi qaba in xifaaltanka Khaliijka uu caqabad ku noqdo dadaallada lagu dhisayo isbaheysi amni oo mideysan oo ka dhan ah Iran, xallinta dagaalka Yemen iyo ballaarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Israa’iil ay la leedahay dalalka Muslimka ah. Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa dano kala duwan ka leh Yemen iyo Sudan, halka cadaadiska Sacuudiga uu sare u qaadayo qiimaha saliidda adduunka uu abuuray khilaaf kala dhexeeya Imaaraadka. Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo.

Amiirka dhaxalsugaha ah ayaa u sheegay la-taliyayaashiisa in aysan beddelin siyaasad kasta oo ku wajahan Imaaraadka. “Ma aamini karo iyaga,” ayaa laga soo xigtay, isagoo sheegay inuu Sacuudiga joojiyay maalgashiga ay ka wadeen gudaha Imaaraadka.

PUNTLAND POST

The post Xiisad ka dhex taagan Sacuudiga iyo Imaaraadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this