Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo go’aan cusub ka soo saartay Falastiiniyiinta haysta dhalashada Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
D37B30B9-0F5F-4F3F-B5AB-967AA0B95B26_w40

Israa’iil ayaa sheegtay inay u oggolaanayso dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ah, oo ay ku jiraan Falastiiniyiinta haysta dhalashada Maraykanku inay si fudud ugu safri karaan Israa’iil iyaga oo adeegsanaya garoomada caalamiga ah.

Arrintan ayaa daba socota, dedaalka ay Israa’iil ku doonayso sidii muwaadiniinta dalkeedu ay u heli lahaayeen adeega Visa la’aanta ee Maraykanka.

Illaa 40 dal ayaa Maraykanku u ogolyahay inay dalkiisa ugu safraan Visa la’aan, kuwaas oo ay ku jiraan dalal ku yaalla Yurub iyo qaaradda Asia.

Hase ahaatee codsiga Israa’iil ayaa si weyn loo hor-istaagayey iyada oo dawladda Maraykanku ay ka dalbanaysay in Israa’iil ay si siman ula dhaqanto muwaadiniinta haysta dhalashada Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa asal ahaan ka soo jeeda Falastiin.

Xubnaha doonaya inay u safraan Daanta Galbeed ee la haysto iyo marinka Qaza ayaa ka soo gala xuduudaha Jordan iyo Masar.

Muwaadiniinta kale ee Maraykanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda dalalka carabta ama dalalka Muslinka ah ama kuwa sida weyn u dhaleeceeya siyaasadaha Israa’iil ayaa sheegay in ay la kulmaan xannibaado kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo go’aan cusub ka soo saartay Falastiiniyiinta haysta dhalashada Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this