Deeq A. Posted July 22, 2023 Dadkii ku Waxyeeloobay Roobabka Hindiya oo la raadinayo Hindiya(Qaran news)-Kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa isku dayey suurtagalnimada inay helaan dad nool ka dib markii uu dhul ku dumay dad ku noolaa galbeedka dalka Hindiya. Ugu yaraan 16 ayaa ku dhimatay, waxaana laga shakisan yahay inay 100 qof ku hoos jiraan dhulka hoostiisa. Roobab mahiigaano ah iyo xeeryaan ayaa sii adkeeyey xaalada loogu gurmanaayo dadka weli ku hoos jira dhulka ku dumay, kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa ku mashquulsan inay naf ku gaadhaan dadkaasi. Dhul go’a ayaa dhacay wakhti habeen ah oo ay dadku hurdeen waana sababta keentay inay xaaladu sii adkaato. Dadka ku noolaa magaaladan dhul go’u ka dhacay ayaa lagu qiyaasay inay haayeen 225. Badhasaabka gobolka ay taal magaaladani ayaa sheegay inay u suurtagashay 80 qof oo hurday wakhtigii dhul go’u dhacayey inay baxsadaan. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites