Deeq A. Posted July 22, 2023 Xoghayaha QM oo Cambaareeyay Falalka Islaam Nacaybka Newyork(Qaran news)-Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa cambaareeyey dhaqanka Islaam nacaybka ku dhisan ee dalka Iswiidhan loogu gubaayo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Hadalkan xoghayaha ayaa yimid ka dib markii uu kulan la yeeshay safiirro mataleyey ururka dalalka Islaamka. Kulanka ay la yeesheen xubnaha matalayey dalalka Islaamku ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu hore kitaabka Qur’aanka Kariimka ah u gubay nin la yidhaa Salwaan oo asalkiisu yahay Ciraaqi, sidoo kalen uu ku talo jiro inuu sameeyo falka oo noocaasi ah oo ay dawladda Iswiidhana u ogolaatay, iyada oo ay boolisku ilaalinayaan. Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay gebi ahaanba ka soo horjeedo fal kasta oo diimaha wax u dhimaya, kaasi oo ku salaysan falal cunsurinimo iyo cuqdad ah. Fal-celin ka dhalatay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee la gubay ayaa keentay safaaradii Iswiidhan ee Ciraaq ay cagta mariyaan dad muslimiin ahi. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites