Deeq A. Posted July 21, 2023 Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa u safri doona Turkey 28-ka July, si u wada-hadallo ula yeesho madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa sidaas Khamiistii xaqiijiyey xafiisyada labada hogaamiye. Netanyahu ayaa la qaabili doonaa maalmo kadib hoggaamiyaha Falastiniyiinta Mahmoud Abbas, oo la filayo 25-ka July, ayey sheegtay madaxtooyada Turkey. “Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu soo dhoweyn doonaa madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu toddobaad gudihiis,” ayey madaxtooyada ku tiri war-saxaafadeed. Hogaamiyayaasha ayaa ka wada hadli doona “Xiriirka Turkiga iyo Falastiin iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka Israel iyo Falastiin, iyo sidoo kale arrimo kale oo caalami ah,” ayay raacisay. Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyey booqashada oo noqoneysa tii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare Israeli ah, tan iyo Ehud Olmert oo booqday Turkey 2008. Dadaallada diblamaasiyadeed ee Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli geeddi-socodkii nabadda ee Israel iyo Falastiin uu hakad ku jiro, ayada oo ay jiraan rabshadihii ugu xumaa ee sanado ka dhaca Daanta Galbeed ee la haysto. PUNTLAND POST The post Erdogan oo magaalada Ankara ku casumay Netanyahu appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites