Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Sheegay in loogu Hanjabay in Golaha Wakiillada laga saari doono

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Sheegay in loogu Hanjabay in Golaha Wakiillada laga saari doono

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan mubaarig Xuseen Maxamed (Xeel-dheere) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay gobolka Saaxil, ayaa caddeeyay mowqifkiisa iyo cidda uu u codeynayo doorashada Guddoomiyaha Wakiillada.

Mubaarig Xeeldheere wuxuu tilmaamay in rag taageersan murrashax Faratoon ay ugu hanjabeen inay golaha ka saari doonaan haddii ay guulaysteen taasi oo uu ku tilmaamay wax lala yaabo oo laga xisaabtami doono.

Xildhibaanku wuxuu sheegay inuu taageersan yahay Xildhibaan Cali Xaamud oo uu u arko in reer Awdal xaq h leeyihiin maadaama oo ay tabasho ku tageen reer Awdal.

Mubaarig Xeel-dheere wuxuu sheegay in reer Sool aanay ku soo noqonaynin Somaliland inta ay joogaan ragga ay wax ka tabanayaan.

Xildhibaanku wuxuu taageeray xildhibaan Maydhane oo u tanaasulay saaxiibkii Cali Xaamud oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Awdal.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this