Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaad Cabdisalaan: Dhammaan isimada SSC waa ku midaysan yihiin raalli-gelinta dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689938994332.jpg?resize=720%2C48

Af-hayeenka Isimada dhaqanka SSC Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa si rasmi ah u caddeeyay in dhammaan Isimada SSC-khaatumo ay ku midaysan yihiin raalli-gelinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed shalay ka soo baxay SSC-Khaatumo ayay dowladda Soomaaliya raalli-gelin ku siiyeen islamarkaana uga mahadceliyeen gurmadka ay u samaysay dadkii ku dhaawacmay colaadda Laascaanood.

” Marka hore waxaan u caddaynaynaa umaddeena meel kasta oo ay joogaan in aysan Isimadu is khilaafsanayn. Warqaddana dhammaan way wada akhriyeen oo ishay mariyeen waana ku wada qanacsan yihiin” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.

Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in aysan marna dagaal siyaasadeed la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya balse dagaalkoodu ku jihaysan yahay dhinaca Somaliland oo keliya.

PUNTLAND POST

The post Garaad Cabdisalaan: Dhammaan isimada SSC waa ku midaysan yihiin raalli-gelinta dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this