Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexado ka soo baxaaya cida mudaysay doorashooyinka ay gudiga doorashooyinku ku dhawaaqeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa soo shaac baxaysa in ay xaqiiq tahay in warqadii ay gudiga doorashooyinka garab ka mid ahi shaaciyeen ee ay ku mudeeyeen taariikhda ay dhici doonaan doorashooyinku ay ahayd mid la sii qoray oo ay xukuumaddu sii ogayd.

Sidaasi waxa qabay oo aaminsanaa dad aad u tiro badan oo reer Somaliland ah iyo qaar ka mid ah daneeyayaasha Somaliland ka caawiya doirashoiyinka oo iyagu diiday in hambalyeeyaan mudaynta doorashadaasi.

Hadaba xukuumadda hada joogtaa waxa ay sii ogayd go’aanka ay gudiga doorashooyinku ku dhawaaqeen waxana kuu cadaynaysa, bil ka hor ayaa waxa taariikhda ay doorashooyinku dhacayaan sii baahiyay wakiilka Somaliland u jooga Taiwan uu bartiisa Twitterka ku baahiyay xiliga ay doorashooyinku qabsoomayaan oo ah xiliga ay gudiga doorashooyinka qaarkood ku dhawaaqeen

Waxa aad xaga hoose ka akhrisataa qoraaladii wakiilka Taiwan Mr Maxamed Xaaji.

IMG-20230720-WA00122.jpg

IMG-20230720-WA00111.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this