Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxamuud Siyaad oo kulamo ka wada GEDO

Recommended Posts

Deeq A.   
361930067_736286181871324_42044824236867

Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Gedo ayaa halkaasi ka wada kulamo muhiim ah.

Mudan Maxamuud Siyaad ayaa waxa uu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada luuq ee gobolka Gedo.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiinta heerarka kala duwan ee maamulka iyo bulshada deegaanka, waxaana looga hadlayay wada-shaqaynta bulshada iyo dowladda ee dhinacyada nabad-galyada, horumarka iyo dib-u-heshiisinta.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Talaadadii gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Safarka madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasiirka amniga dowlad-goboleedka Jubbaland, masuuliyiin kale iyo saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Luuq ayaa kamid ah meelaha haatan laga taageeray maamulka cusub ee uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe u magacabay gobolka Gedo, kaasi oo uu hoggaamiyo Cabdullaahi Shimbir.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa la filayaa inuu usii gudbi doono degmooyinka kale, sida magaalada Baardheere, halkaasi oo uu booqan doono madaxweyne ku-xigeenka.

Arrintaan ayaa timid kadib markii ay dhawaan Jubbaland isku ballaarisay gobolka Gedo, oo muddo laga diidanaa, islamarkaana ay u magacowday maamul cusub.

Si kastaba, saddexdii sano ee lasoo dhaafay gobolka Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland, hase yeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaasi.

361930067_736286181871324_42044824236867

362257474_736286221871320_80186826450984

362051366_736286265204649_66743897243508

362624766_736286298537979_18345201490845

362124749_736286331871309_60139448205548

362227429_736286378537971_57038139337130

362011474_736286415204634_63732364709310

The post Sawirro: Maxamuud Siyaad oo kulamo ka wada GEDO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this