Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay yihiin ciidanka cusub ee ka howlgali doona magaalada MUQDISHO?

Recommended Posts

Deeq A.   
362274990_736114338555175_35538962087290

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay ciidamo cusub oo kamid noqonay kuwa gobolka, kuwaas oo tababar gaar ah ku qaatay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee General Kaahiye.

Ciidamadan oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano, isla-markaana lasoo xulay ayaa waxaa shalay booqasho ugu tegay duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo taliyaha ciidanka Booliska General Sulub Axmed Firin.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay dhowaan kusoo biiri doonaan booliska, gaar ahaan ciidanka ilaalinta deegaanka ee Dowladda Hoose Xamar.

Sidoo kale waxa ay ka qayb qaadan doonaa sugidda amniga iyo sidoo kale horumarinta caasimada Muqdisho, sida uu shaaciyay maamulka gobolka Banaadir.

Yuusuf Madaale oo khudbad u jeediyay ciidamada ayaa kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan howl iyo shaqo adag, maadaama laga rabo inay isbeddal ka keenaan caasimada.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan shacabka, isla-markaana laga rabo inay u turaan dadka rayidka ah, maadaama ay ka shaqeynayaan iaalinta deegaanka.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro toos ah oo ay ka dambeeyeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana kamid ah  weerarkii horraantii sanadkaan ka dhacay gobolka, kaasi oo  geystay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur lixaad leh.

Maamulka ayaa hadda wada qorshe ballaaran oo lagu sugayo amniga xarunta iyo guud ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxayna aheyd maalmo kahor markii heegan la galiyay ciidanka ka shaqeeya xafiisyada Dowladda Hoose ee Xamar.

Si kastaba, ciidamada lasoo bandhigay ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee xarunta maamulka gobolka Banaadir loogu tala-galay amnigeeda inay ilaaliyaan.

362253841_736113745221901_82119342823560 362274990_736114338555175_35538962087290 362302614_736113765221899_21029585211580 361962442_736114115221864_79635431213999 361981917_736113811888561_27744533655390 362137533_736114511888491_29638855129993 362202067_736114225221853_78925142842611

The post Sawirro: Maxay yihiin ciidanka cusub ee ka howlgali doona magaalada MUQDISHO? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this