Sign in to follow this  
Deeq A.

Jidgooyo Al-Shabab dhigtay gobolka Baay oo la burburiyay iyo horjoogayaal la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
DEG-DEG.png?fit=1000%2C522&ssl=1

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gal qorsheysan ku burburiyay jidgooyo iyo xarun ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Jameeco ee gobolka Baay.

Xarunta lagu burburiyay howl-galkaan ayaa la sheegay inay kamid tahay fadhiisimo dhowr ah oo maleeshiyaadka kooxda ay doonayeen inay ku cuna-qabateeyaan shacabka ku nool gobolkaasi.

Howl-galkaan oo dhacay maqribnimadii caawa ayaa waxaa lagu dilay xubno ka tirsan kooxda oo gaaraya 15, kuwaasi oo ay ku jiraan saddex horjooge, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Waxaa gabi ahaan la bur-buriyay jidgooyadii Khawaarijta (Al-Shabaab) waxaana goobta laga fasaxay gaadiidkii dadwaynaha ee ay halkaas ku xanibeen,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo goordhoweyd kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Waa howl-galkii labaad oo ciidanka xoogga dalka muddo 24 saac gudahood ka sameeyaan wadadaan isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba.

Halkaasi ayaa waxay kooxda Al-Shabaab ay isku dayaysay in ay ku xanibaan gaadiidka dadwaynaha si ay u dhibaateeeyaan shacabka ku nool gobolka Baay.

Shalay ayey aheyd markii dagaal ka dhacay xuduuda Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe kooxda Al-Shabaab looga dilay ku dhawaad boqol dagaalame oo saraakiil sare ay ku jiraan.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe oo ay isku uruursanayeen koox Khawaarij ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Bayaanka wasaaradda warfaafinta DF ayaa intaas ku sii daray, “Hawl-galkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalka lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.”

Howl-galkaasi ayaa waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray, sida lagu cadeeyey bayaanka.

The post Jidgooyo Al-Shabab dhigtay gobolka Baay oo la burburiyay iyo horjoogayaal la dilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this