Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimada dhaqanka SSC-Khaatumo oo raalli-gelin siiyay dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689868480843.jpg?resize=365%2C24

Golaha isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya raalli-gelin ka siiyay hadalkii ahaa in ay raalli ka tahay duqaynta Somaliland ka waddo Laascaanood.

War-murtiyeed ka kooban lix qodob oo ka soo baxay isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa raalli-gelin lagu siiyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale looga mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa sida ay uga qayb qaateen gurmadka dhaawacyadii reer SSC.

SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday in ay sugto xuquuqda shacabka SSC islamarkaana soo de dejiso wixii ay xaq ugu lahaayeen dowladda.

Isimada dhaqanka SSC ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ka dalbaday in ay gurmad deg deg ah u sameeyaan dadka rayidka ah ee ku bara-kacay colaadda Laascaanood.

FB_IMG_1689866712649.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Isimada dhaqanka SSC-Khaatumo oo raalli-gelin siiyay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this