Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan reer Awdal ah oo Taageeray Cali Xaamud

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan ka reer Awdal ah oo Taageeray Cali Xaamud

Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane oo ka tirsan Xildhibaannada mucaaridka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta shaaciyay inuu u tanaasulay Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Awdal.

Xildhibaan Maydhane oo u sharraxnaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inuu u tanaasulay laba qoddob oo ah in aanay wiiqmin kaalintii xisbiyada mucaaridku ku lahaayeen shirguddoonka Wakiillada iyo in aanay is carqaladoobin markii u horreysay ee ay reer Awdal isku soo sharraxaan xilka Guddoomiyaha aqalka Wakiillada.

“Waxaan u tanaasulay in aanay wiiqmin kaalintii mucaaridku ku lahaayeen shirgudoonka Golaha Wakiillada, sidoo kale waxaan u tanaasulay in aanaan is carqaladeyn reer Awdal haddii aanu nahay iyadoo markii u horreysay aanu isu soo sharraxnay guddoomiyaha Wakiillada,”ayuu yidhi Xildhibaan Maydhane.
“Cali Xaamud Jibriil waxaan kugu ogahay inaad maalintaas doorashada adigu isku soo sharaxdo guddoomiyaha Golaha Wakiillada adigoo metalaya reer Awdal. Waxaanan ku leeyahay waad wada metashaa Awdal iyo Soolba,”ayuu yidhi Xildhibaan Mukhtaar Maydhane, waxaanu sheegay inuu guul u rajaynayo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil.

Cali Xaamud Jibriil ayaa u mahadceliyay Xildhibaan Maydhane, waxaanu tilmaamay in taariikh weyn tahay in reer Awdal isu tanaasulaan, wuxuuna sheegay in ka turjumayso sida reer Awdal uga middaysan yihiin inay xiliga qabtaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this