Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada

Recommended Posts

Deeq A.   
Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka iyo Dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka Dowladnimada casriga ah.
Golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka iyo guulaha laga gaaray xoreynta iyo xasillinta dalka, taas oo qeyb ka aheyd tiirarka amniga xukuumadda DANQARAN ee uu hoogaamiyo Ra’iisulwasaare Xamse
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyada oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada howlgallo qorshaysan iyo dagaallo guulo laga gaaray oo laga fuliyey qaar kamid ah gobollada dalka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa loo soo bandhigay Habka Maareynta Waxqabadka Iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona Isbeddelka Qaybaha Dowladda, sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u Horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo Deg-deg ah.
362279931_736145388552070_43694262108135
362294492_736145428552066_27920893516313
361929309_736145398552069_69794230913306
361950780_736145445218731_36811413706354
361623188_736145408552068_64507558491465
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this