Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay lix Xeer

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689853948973.jpg?resize=720%2C42

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Amniga, Dhacdooyinka Todobaadka, Diyaargarowga munaasabadda 1-da August iyo Ansixinta wax ka bedelka Lix Xeer oo ay soo gudbiyeen Xafiisyada khuseeya.

Golaha Wasiirada ayaa dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Lix Xeer oo kala ah :-

1-Wax-ka badelka Xeerka Goleyaasha Deegaanka.

2-Wax- ka badelka Xeerka  Doorashooyinka Dowladda Puntland.

3-Wax- ka badelka Xeerka Qareenada Puntland.

4- Wax ka badelka Xeerka Nootaayadda.

5-Xeerka iyo Siyaasadda Sumadaha Ganacsiga.

6-Sharciga Hey,addaha Maaliyadeed ee Bangiga Dowladda.

Xeerarka Golaha Wasiiradu maanta ansixiyeen ayaa loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay lix Xeer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this