Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay halista ku gedaaman Artificial Intelligence

Recommended Posts

Deeq A.   
download-3.jpeg?resize=567%2C378&ssl=1

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee ku saabsan halisaha ku gedaaman horumarka xawliga ah Tiknoolajiyadda, gaar ahaan caqliga macmalka ah ee loo yaqaan Artificial Intelligence.

Xoghayaha Arrimaha debedda ee Britian James Cleverly oo shirguddoomiyey kulanka golaha ammaanka, maadaama uu bishan July dalkiisu hayo xilka madaxtinimada meertada ah, ayaa sheegay in caqliga macmalka ah ee la horumariyey uu saamayn ballaaran ku yeelanayo dhinac kasta oo nolosho aadamaha ah.

Wuxuu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in dib loo qaabeeyo maamulka guud ee farsamada casriga ah ee caalamka, sababtoo ah, garaadka macmalka ah ee horumarsani wuxuu noqonayaa mid aan xuduud lahayn, isaga oo saamayn ku yeelanaya, isbedelka cimilada, iyo koboca dhaqaalaha ee caalamka.

Wasiirka ayaa ka digay, in farsamadan casriga ahi ay shidaalka ku sii shubi doonto wararka been abuurka ah, taasoo laga yaabo inay iska hor-keento dalalka iyo weliba ururada aan dawliga ahayn.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa isna sheegay in adeegsiga aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, gaar ahaan hawlaha milateriga ama kuwa aan milaterigaba la xidhiidhin, inay horseedi karayan tallaabooyin halis ku ah ammaanka iyo xasiloonida caalamka.

PUNTLAND POST

The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay halista ku gedaaman Artificial Intelligence appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this