Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Safaaradda Sweden ee IRAQ oo ay gubeen dad ka careysan gubista qur’aanka

Recommended Posts

Deeq A.   
2023-07-20T020744Z_1831954302_RC2P62AIYF

Baghdad (Caasimada Online) – Boqolaal dibad-baxayaal ah ayaa ku xoomay safaaradda Sweden ee bartamaha Baghdad aroortii hore ee Khamiistan, ayaga oo darbiga ka booday kadibna dab qabadsiisay.

Mudaaharaadayaasha ayaa kasoo horjeeda gubitaanka kitaabka qur’aanka kariimka ah oo la filayo in mar kale uu ka dhaco Sweden maanta.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Reuters u sheegay in aanu wax dhaawac ah soo gaarin qof ka mid ah shaqaalaha safaaradda. Saraakiisha safaaradda Sweden ee Baghdad ayaan weli ka hadal dhacdadan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay falka, waxayna sheegtay inay dowladda Ciraaq ay amartay ciidamada amniga inay fuliyaan baaritaan deg deg ah, islamarkaana dadka ka mas’uulka ah lasoo xiro.

Dibad-baxa ayaa waxaa ku baaqay taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Muqtada Sadr, si ay uga mudaaharaadaan qorshe la filayo in mar kale qu’raanka lagu gubo oo ka dhacaya Sweden.

Wakaaladda wararka Sweden ee TT ayaa Arbcadii sheegtay in booliska Sweden ay aqbaleen codsiga isu soo bax ka dhacaya dibedda safaaradda Ciraaq ee Stockholm, Khamiistan.

Codsiga ayaa waxaa ku qoran in dadka dalbaday ay doonayaan inay gubaan qur’aanka iyo calanka Ciraaq, sida ay werisay TT.

Sida ay sheegtay TT, qorshahan ayaa waxaa wada laba qof oo midkood uu yahay ninkii qu’raanka ku hor gubay Masjid ku yaalla magaalada Stockholm, bishii June.

Muuqaallo lagu baahiyey barta Telegram ayaa muujinaya dad ku ururaya safaaradda Sweden ee Baghdad abaare 1-dii am ee saaka, kadibna saacad kadib ku xoomay safaaradda.

Muuqaallo ayaa goor dambe muujiyey qiic ka kacaya dhismaha safaaradda. Ma cadda haddii gudaha safaaradda ay dad ku jireen xilligaas.

Bishii tagtay Muqtada Sadr ayaa ku baaqay dibadbaxyo ka dhan ah Sweden iyo in la eryo safiirka Sweden kadib markii nin asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq uu qur’aanka ku gubay Stockholm.

Laba dibadbax oo waa weyn ayaa ka dhacay dibedda safaaradda Sweden ee Baghdad kadib markii qur’aanka la gubay, ayada oo dibad-baxayaasha ay mar jebiyeen xeendaabka safaaradda.

2023-07-20T020744Z_1831954302_RC2P62AIYF

2023-07-20T020619Z_1966848954_RC2Q62ADP9

2023-07-20T020356Z_1401135665_RC2Q62A719

2023-07-20T020107Z_1411550317_RC2Q62AANS

2023-07-20T015954Z_1576640767_RC2P62ABYU

The post Sawirro: Safaaradda Sweden ee IRAQ oo ay gubeen dad ka careysan gubista qur’aanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this