Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Maraykanka, UN, Igad, Imaaraadka iyo dalal badan oo ka soo hor jeedsaday go,aankii Gudiga doorashooyinka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladaha caalamka ee taageera doorashooyinka iyo dimuquraadiyada Somaliland ayaa ku qaybsamay in qoraal midaysan laga soo saaro mudayntii doorashooyinka Somaliland ee ay ku qaybsameen gudiga doorashooyinka Somaliland.

Beesha caalamka ee taageeri jirtay Somaliland ayaa doodo dheer oo ay yeesheen waxa ay ku kala jabeen laba qoraal oo ay soo saareen gudiga doorashooyinku oo midna uu ku saxeexnaa gudoomiyahu, iyo mid saqdii dhexe laga daba keenay oo ay ku saxeexnaayeen shan xubnood halka ay ka maqnaayeen laba xubnood taasi oo badka keentay khilaafka jira iyo dhibka meesha yaala.

Dalalka ka diiday ee arinka gudiga doorashooyinka diiday in ay saxeexaan ee horana u saxeexi jiray waxa ka mid ah.
Weliba in ay muddo qaadatay oo dood adag laga yeeshay dowlado badanina aanay qayb ka ahayn oo ay taxaddir ka muujiyeen waxaana kamida:

Maraykanka
UAE
Qatar
Turkey
Kenya
Djibouti
IGAD
UN

Iyo dowlado kale oo ku jiri jiray baaqyadii hore

Dalalka ee shalay baaqa soo saaray waxa ay sheegeen oo nuxurkoodu uu ahaa in ay ogaadeen oo uu soo gaadhay go’aankii gudiga doorashadu oo aanu ahayn taageero ay arintaasi lagu qaybsanyahay ay taageersanyihiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this