Deeq A. Posted July 20, 2023 Trump oo Sheegay in Lagu soo Oogayo Dacwado USA(Qarannews)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xidhiidha weerarkii Jeenawari 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill. Dacwaddaas ayaa sii xoojin doonta dhibaatooyinka sharci ee haysta Trump xilli uu mar kale isku dayayo inuu u ordo Aqalka Cad. Tramp ayaa sheegay in waaxda cadaaladdu noqotay hubka Dimoqraadiyiinta, waxaanu intaas ku daray in ay rabaan inay hoos u dhigaan, wiiqaan isla markaana ay cabsi geliyaan dadka. Trump oo la hadlay Fox News goor dambe Salaadadii ayaa ku eedeeyey Xisbiga Dimoqraadiga inay Waaxda Cadaaladda u adeegsanayaan inay dilaan mustaqbalkiisa siyaasadeed. Trump, oo ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne ee Jamhuuriga, ayaa waxa uu horey u wajahayey dacwado dambi oo kaga yimid dambi baadhaha gaarka ah ee Jack Smith, kuwaas oo la xidhiidha inuu si khaldan u maareeyey dukumentiyo dowladeed oo sir ah. Trump ayaa sheegay inuu Axaddii warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baadhitaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites