Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn Laxaadle oo Ruushku ku Qaaday Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqeyn Laxaadle oo Ruushku ku Qaaday Ukraine

Ukraine(Qaran)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa duqeyn culus u geystay magaalo xeebeeda Odhesa, waxaana duqeyntaasi lagu burburiyey xarun ay taalay qamdi iyo gallay, sida ay sheegtay wasaaradda beeraha ee dalka Yukreyn.

Wasaaradda beeraha Yukreyn ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu burburiyey bakhaar weyn oo ay ku jireen 60,000 oo tan oo Qamdi iyo gallay ah. Duqeyntaasi waxa kale oo ku dhaawacmay 12 qof oo ku sugnaa magaallo xeebeeda Odhesa.

Duqeytan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo madaxweynaha Ruushku uu ka baxay heshiiskii ay ku wada jireen Qaramada midoobay, Turkiga iyo Yukreyn ee dhoofinta qamadiga iyo gallayda dalka Yukreyn. Wasaaradda Beeraha Yukreyn ayaa sheegtay inay muddo sannad ah qaadan doonto dib u dhisidda xarumaha la duqeeyey.

Lix Qof oo Ku Dhintay Shil Baabuur Austarlia

Austarlia(Qaran)- Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo rakaab ah iyo gaadhi weyn oo siday Kaare ay leeyihiin ciidanka Maraykanka dalka Ustaleeriya. Shilkan ayaa ka dhacay bartamaha gobolka Queensland, sida ay tebisay waraabhinta ABC ee dalka Usteraaliya.

Isku dhacan baabuurtan ayaa ka dhacay waddo ah nooca Highway oo ay baabuurta si xawli ah ku marayeen. Booliska gobolka Queensland ee dalka Ustareeliya ayaa sheegay in saddex baabuur uu dab ka kacay shilka ka dib, halka baabuur kalena uu khasaare weyni soo gaadhay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in khaasare weyni soo gaadhay baabuur ay leeyihiin oo siday Kaare nooca Abrams ee Maraykanku sameeyo.

Maraykanka oo indhaha ku Haya Gantaalo ay Tijaabisay Waqooyiga Kuuriya

Kuuriya(Qaran)-Millatariga Waqooyiga Kuuriya ayaa bariga dalkaasi u tijaabiyey laba gantaal oo ah nooca Balastiga saaka salaadii hore wakhiga Kuuriya.

Tijaabadan ayaa ka dambaysay markii uu dalka Koofurta Kuuriya uu gaadhay markab gujis ah oo ah nooca xambaara gantaalaha Balaastiga oo uu Maraykanku leeyahay.

Markabkan Maraykanka ayaa markii ugu horraysay gaadhay dalka Koonfurta Kuuriya in badan 40 sanno. Markabkan ayey dawladda Maraykanka tegitaankiisa ku micnaysay mid loogu talogalay inuu ka qaybqaato sidii looga jawaabi lahaa haddiiba ay Waqooyiga Kuuriya weerar ku soo qaado Koofnurta Kuuriya.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga ee Japan ayaa lagu sheegay in labada gantaal ee ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriy ay ku dhaceen meel ka baxsan xarunta gaarka ah ee ganacsiga Japan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this