Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo shaaciyay in uu filayo in la xiro

Recommended Posts

Deeq A.   
b72cbc98-89f9-45c8-aae1-0b64639cbf50_cx0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.

Dacwaddaas ayaa sii xoojin doonta dhibaatooyinka sharci ee haysta Trump xilli uu mar kale isku dayayo inuu u ordo Aqalka Cad.

Trump, oo ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne ee Jamhuuriga, ayaa waxa uu horey u wajahayey dacwado dambi oo kaga yimid dambi baaraha gaarka ah ee Jack Smith, kuwaas oo la xiriira inuu si khaldan u maareeyey dukumentiyo dowladeed oo sir ah.

Trump ayaa sheegay inuu Axaddii warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020.

“Jack Smith, dacwad oogaha Waaxda Cadaaladda Joe Biden, ayaa soo diray warqad… uu ku sheegayo inaan bartilmaameed u ahay baaritaanka xeerbeegtida January 6,” Trump ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Truth Social.

Trump oo 77 jir ah ayaa sheegay in la siiyay afar maalmood si uu ugu soo wargaliyo xeerbeegtida taas oo mar walba la macno ah xarig iyo dacawd.

PUNTLAND POST

The post Donald Trump oo shaaciyay in uu filayo in la xiro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this