Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan si weyn loogu weeraray eedeyn uu u jeediyay Xasan oo la xiriirta beeshiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Senator-Ayuub-Ayub.jpeg?fit=1616%2C1031&

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si weyn loogu weeraray qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo uu eedeyn culus ugu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ayuub ayaa waxa uu madaxweyne Xasan ku eedeeyay inuu reer Awdal oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo Xildhibaanka uu ku colaadinayo “sida ay ugu taagan yihiin midnimada Soomaaliya,” islamarkaana laga tuuray xilalkii sare ee dowladda, ee ay ku lahaayeen awood-qeybsiga dalka.

“Duqa Villa Somalia waxa uu ku colaadinayaa reer Awdal waa sida ay ugu taagan yihiin midnimada Soomaaliya. Lalama yaabayo, oo taas laftigeeda ayaa loo gumaadayaa reer SSC, waana sababta ay dawladdiisu uga aamusan tahay qaddiyadda SSC,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhammaan xilalkii muhiimka ahaa ee ay beelweynta Gadabuursi ku lahayd nidaamka awood-qaybsiga dalka Soomaaliya ayaa lagala dagaalamay.”

Xildhibaan Ayuub ayaa sidoo kale waxa uu sheegay “in haddii dadka midnimo-doonka ah sidaa loola dhaqmo,” ay u furan yihiin laba doorasho, “1- In ay sugaan dawlad Soomaaliyeed oo caddaalad ku dhisan, 2. Ama in ay raadsadaan oo wax ku darsadaan cid kasta oo kale oo ay dano kala dhaxayn karaan oo gobolka ah.”

Haddaba, Sidee loogu weeraray Xildhibaanka qoraalka uu soo saaray?

Diini Cumar Diini: “Midnimadee u taagan tihiin kaabe, soo idinka Somaliland qeybta ka ah oo dalkaba kala jaraaya.”

Cabdullaahi Cusmaan ayaa isna yiri “Reer Awdal-kaa aad sheegayso keena marka hore oo dowladda kusoo dar, haddii kale nin iska soo shaqo tagay warkiis ayaa tahay aayar bilaa sawaxan fadhi meesha.”

“Nabad iyo nolol rufiyanimadadii la dhex joogtay maahan Damujadiid, taasi ku biyo cab, madaxwayne ku xigga sug. Faransiiska-na iska bashaal caruurtaada iyo xaaska caydha la cun, biilka xildhibanimo ha ku ururto oo isku soo sharax bacdal doorasho, aqli fican baad keentay,” ayuu yiri Nuur Cabdi oo si weyn u weeraray Xildhibaan Ayuub.

Cabduqaadir Mire Rooble: “Midnimo nuucee ah ayaad u taagan tihiin? canshuur maad bixisay? ma ciidan baad keentay? maxaad ku darsatay dowladda federaalka?. Mushaarkiina iimaansada! ma jirto dad iyo deegaan aad matashaan oo aad tagi kartaa, wax aan culays ahayn kuma haysaan Xamar!.”

Liibaan Bulle oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka Xildhibaanka ayaa yiri: “Xildhibaan waad sheegtaye xukuumaddaan mooshinkeeda diyaari.”

Cabdi Bayda ayaa isna yiri: “Ba’a adigu midnimadan Villa Somalia aan oolin eed Awdal ka raadinaysaa maxay tahay? mida kale waa mid xagee ku maqan, tan kale aad leedahay waa in ay iska sugaan dowlad Soomaliyeed oo cadaalad ku dhisan, dadkan aad leeday suga maxay ku sugaanse, niyahow dadka ha lu’goynin.”

“1 maalin kalfadhi Baarlamaan ma aadan xaadirin Xildhibaana waa tahay abti!. Cidaada Baarlamaanka dhexdiisa ayaad ugu hiilin kartaa,” ayuu yiri qof kale oo isaguna ka fal-celiyay qoraalka Xildhibaan Ayuub.

The post Xildhibaan si weyn loogu weeraray eedeyn uu u jeediyay Xasan oo la xiriirta beeshiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this