Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in maanta Mareykanku ku garabsiiyey dilka 100 Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidanka-xoogga-dalka-ciidamada-militeri

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in dagaalkii maanta ka dhacay xuduuda Galgaduud iyo Sh/Dhexe kooxda Al-Shabaab looga dilay ku dhawaad boqol dagaalame oo saraakiil sare ay ku jiraan.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe oo ay isku uruursanayeen koox Khawaarij ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta DF ayaa intaas ku sii daray, “Hawlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalka lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.”

Hawgalka waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray, sida lagu cadeeyey bayaanka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkaan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wali wada hawlgal dhinaca dhulka, iyaga oo ku raad jooga firxadka Khawaarijta Naf la caariga ah ee ka cararay dhimbilaha geesiyaasha qaranka, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Hawlgalkaan wuxuu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Khawaarijta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambentii bayaanka dowladda waxaa lagu yiri “Dawladda oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an  in ay ciribtirto kooxaha Khawaarijta ah.”

WhatsApp-Image-2023-07-19-at-10.41.35-AM

The post DF oo shaacisay in maanta Mareykanku ku garabsiiyey dilka 100 Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this