Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689781345498.jpg?resize=714%2C40

Mudaaharaadyadii ay ku baaqeen mucaaraadka ayaa maanta ka dhacay Dalka Kenya, kuwaa oo la sheegay inay sii soconayaan muddo saddex maalin ah.

Muuqaallada; Booliska oo adeegsanaya sunta dadka ka ilmeysiisa, dagaal dhexmaray booliiska iyo dibadbaxayaasha, iyo burburka gaaray dhismayaal iyo xarumo ganacsiga ayaa sawir xun ka bixiyay caasimadda Nairobi, Mombasa, iyo Kisumu.

Dabka ay shideen dad mudaaharaadayay oo marayay hareeraha waddooyinka mashquulka badan ayaa sababay xirnaanshaha ganacsiga, waddooyinka iyo isku socodka oo Gaadiidka oo istaagay. Dowladda ayaa sidoo kale xirtay iskuullada sababo la xiriira dibadbaxyo rabshado wata.

Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee Azimio, Raila Odinga ayaa u sheegay wargeyska Nation in maalintii ugu horreysay ee mudaaharaadyadu ay guul ku dhammaadeen, wuxuu intaa ku daray inay dib u bilaaban doonaan bannaanbaxyada subaxnimada Khamiista.

PUNTLAND POST

The post Muddaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this