Deeq A. Posted July 19, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkaan shaacisay inay dib ula wareegayso dhulka danta-guud, iyada oo la fidinayo xafiisyada heer federaalka. Dowladda ayaa hore digniino u gaarsiisay dadweynaha degan dhulkaas, ayada oo shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu diray farriin u muuqatay inay tahay digniin kama dambeys ah oo xukuumaddiisa ay direyso. Mudane Xamza ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan xarumaha danta guud ee ay leedahay dowladdu inay u baneeyaan sida ugu dhaqsaha badan. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad xarigga lagaga jarayay xarunta keydka qaran ee dawooyinka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u xusay muhiimada baneynta dhulka danta guud ee wasaaradda caafimaadka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in loo wareejiyo xarunta xisbiga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale horay u sheegay in hareeraha xaruntaasi laga guuro si xukuumaddu ugu shaqeyso. Wasaaraddaha dowladda federaalka ayaa iyagana la rajeynayaa inay u guuraan xarumahoodii hore, wallow goobaha qaar ay degan yihiin dad shacab ah. Wasaaraddaha dowladda federaalka ayaa waxay qaarkooda horay usoo saareen digniino la xiriira baneynta dhulka danta guud, oo ay ugu dambeysay dhulka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ku yaalla Siinka Dheer R2 oo saaran wadada Afgooye ee magaalada Muqdisho. Warqad xilligaas kasoo baxday wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda oo ujeedkeedu ahaa wargelin ayaa waxay ku wargelisay dadka Soomaaliyeed ee degan gobolka Banaadir iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in dhulkaas uu yahay hanti qaran, islamarkaana uusan beec ahayn. Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli uu kal hore Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta, bixin karta ama iibin karta.The post DF oo digniin kama dambeys ah u dirtay dadka weli degan… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites