Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka digay in dalkiisa lagu xidho madaxweynaha Ruushka oo baaqasho ku imanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in lagu xidho madaxweyne Vladimir Putin marka uu booqdo Koonfur Afrika ay noqon doonto ku dhawaaqidda dagaal ka dhan ah Ruushka.

Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa digniintan soo saaray toddobaadyo ka hor shir caalami ah oo ka dhacaya caasimadda Johannesburg, kaasoo uu lagu wado inuu ka qayb galo madaxweynaha Ruushka.

Haddii Putin uu u safro meel ka baxsan dhulka Ruushka, waxa uu muteysan doonaa amarka lagu soo xidhayo ee ay hore u soo saartay Maxkamadda ICC.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka saxiixay heshiiska ICC, sidaas darteed waa inay gacan ka geysato xidhitaanka Putin, sida uu qabo heshiiskaas.

Si kastaba ha ahaatee, Koonfur Afrika, ayaa hore u diiday inay ka *****so fulinta heshiiskaa, iyadoo sannadkii 2015-kii ka dhaga adeegtay in ay gacan ka gaysato soo qabashada, Cumar Al-Bashiir, oo markaa ku sugnaa dalkeeda loona haystay dambiyo dagaal oo dalkiisa ka dhacay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this