Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Jimcaale: Puntland Dastuurkeeda in la furo waa ka dagaallanay mana aqbalayno

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1689757643589.jpg?resize=720%2C48

Taliyaha Ciidanka Danab ee taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar ayaa mar kale ku celiyay in aysan aqbali doonin furista Dastuurka Puntland.

Taliye Jimcaale ayaa hadalkaas ka sheegay dhoola-tus ciidan oo uu saaka ku soo bandhigay Taliska Ligle ee duleedka caasimadda Garoowe.

“Puntland Dastuurkeeda in la furo waa ka dagaallanay mana aqbalayno” ayuu yiri Jimcaale oo hadal kooban u jeediyay ciidamada uu hoggaamiyo.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin dhammaan wixii ay hore uga dagaallameen ee dad kaga dhintay islamarkaana aysan cidna ku khasbi karin.

“Wax allaale wixii aan ka dagaallanay oo diidnay ee dad inagaga dhintay ma aqbalayno” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in madaxweyne Deni aanu xaq u lahayn in uu jideeyo hannaanka loo gelayo doorashada 2024 waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay musharrax.

PUNTLAND POST

The post Taliye Jimcaale: Puntland Dastuurkeeda in la furo waa ka dagaallanay mana aqbalayno appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this