Deeq A. Posted July 19, 2023 Xarunta Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad ujeed keedu aheyd doorka bulshada kaga aadan Amniga. Kulanka waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Wasiiro katirsan XFS iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax ayaa tilmaamay in bulshada reer wadajir ay yihiin kuwa nabadda iyo Dowladnimada jecel islamarkaana ay la shaqeeyan maamulka degmada. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu sheegay in Boliiska iyo shacabka ay yihiin kuwa si dhow saaxiib u ah loona baahan yahay in la xoojiyo wada shaqeyntooda. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) waxa uu tilmaamay in sugida amniga ay tahay mas’uuliyada wadareed saaran shacab iyo Dowlad, islamarkaana Amniga uu fura u yahay horumarka iyo dib-udhiska. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay hirgalinta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada iyo dib u dhiska Caasimadda. PUNTLAND POST The post Kulan ku saabsan Xoojinta Amniga oo Muqdisho lagu qabtay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites