Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Fadeexad haraysay madaxtooyada HirShabelle oo leexsatay mushahar Mareykanku u qoray macallimiin

Recommended Posts

Deeq A.   
349699594_6708834495833887_1255466834291

Jowhar (Caasimada Online) – Hadal-heyn dhinacyo badan taabatay ayaa ka dhalatay safarkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Jowhar, waxaana soo baxay xogo daahsoonaa oo muujinaya dib u dhac maamul oo ka jira HirShabeelle.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maalmo ka hor ay Muqdisho ka baxeen guddi qiimeyn ah oo magaalada Jowhar ay u dirtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Guddigaas ayaa kormeerkii uu sameeyey ku soo ogaaday in la musuq maasuqay mashruuc ay bixisay dowladda Mareykanka, kaas oo mushaar loo qoray 100 macalin oo dhigta iskuullada Jowhar.

Kala bar mushaarkii loo qoray 100-ka macalin waxaa la sheegay inay leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle, iyadoo lagu qoray shaqaale ka tirsan madaxtooyada, askar, shaqaalaha Nadaafada Madaxtooyada Hirshabelle iyo dhalinyaro Muqdisho Jaamacado ka dhigta.

Dad badan ayaa arrintaan ku tilmaamay nasiib darro weyn iyo maareyn la’aan maamul oo ka jirta HirShabeelle, gaar ahaan Jowhar, taas oo ka dhigan in eedda dhan ay dusha ka fuuleyso Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe oo ku dhawaad 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayey magaaladaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa waxay kulan kula qaateen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar madxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulkiisa.

Lama sheegin sababta madaxweynaha Soomaaliya gudaha magaalada Jowhar u tagi waayay, balse ilo wareedyo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in biyo aad u badan ay yaalaan inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la tilmaamay in uu la xiriiro laba arrimood.

1- Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta HirShabeelle, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii guddoomiyahii hore ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kaasi oo ku gacan sayray xil ka qaadista, islamarkaana ku dhowaaqay maamul lagu magacaabo Hiiraan State.

2- Iyo arrinta labaad oo la sheegay in ay tahay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabab ee ka socda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, xili dowlada Soomaaliya ay haatan qorsheyneyso wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ay ka qeyb-galayaan waddamada dariska.

The post Xog: Fadeexad haraysay madaxtooyada HirShabelle oo leexsatay mushahar Mareykanku u qoray macallimiin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this