Deeq A. Posted July 18, 2023 Xukumadda Somaliland oo ka hadashay Dagaal saaka ka bilaabmay Laascaanood. “Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya oo garab ka helaya kooxa Huwanta iyo Argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya iyo Kooxaha Argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey. Markasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxay ka qaadaan tallaabo adag oo lama iloowaan ah” Source Share this post Link to post Share on other sites