Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo sheegatay inay Guul ka gaadheen Dagaal ka Dhacay Lascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland oo sheegatay inay Guul ka gaadheen Dagaal ka Dhacay Lascaanood
IMG-20230718-WA0003.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Somaliland ayaa guul ka sheegatay dagaal saaka ka dhacay Laascaanood.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Daakhiliga oo u qornaa sidan:-

“Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya oo garab ka helaya kooxa Huwanta iyo Argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo Kooxaha Argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey.

Markasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxay ka qaadaan tallaabo adag oo lama iloowaan ah.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this