Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhibaatada Soomaalida ku haysata HYDERABAAD india (Q-3aad)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhibaatada Soomaalida ku haysata HYDERABAAD india (Q-3aad)

Iyadoo ay badantahay dhibaatada soomaalida ku haysata indiya oo inteeda badan ay isu geysteen iyagu ayaynu eegaynnaa dhanka Isbitaallada

4. Isbitaallada hyderabaad

Markii kuwa waddanka sii joogey ee ardayda iyo qaxoontiyada ahi ay musuqii iyo cudurkii lacag raadiska bareen ayay isbitaallada hyderabbaad iyaguna muhiimadda koowaad ka dhigteen lacagta iney ka urursadaan soomaalida nacabkeed u jabtey.

Waxaa caado iska noqotey in qofka maalinta koowaad ee uu Isbitaalka booqdo ee diiwaanka la geliyo ee lacagta iyagoo gariiraya ay yidhaahdaan soo shub inta ka danbaysa wax xidhiidh ah oo toos ah lalama yeesho.

Weyku adagtahay xaqlayaasha isbitaallada iyo shaqaalahooda in qofka si hufan oo qalbigoodu usoo jeedo ay ku fahamsiiyaan, maalin hebla kaalay, dawadaa sidaa u qaado, markaad hawsha noocaas ah dhammaysato, waxaa laguu bilaabayaa hawsha noocaas ah.

Dadku iyagaa sida process-ku u socdo suuqa kasoo wareysta waayo takhtarradu waxay mashquul ku yihiin siday qof cusub u soo ugaadhsan lahaayeen.

Dillaaliinta cisbitaalada u shaqaysaa si weyn ayay ugu xidhmeen kuwa cisbitaallada leh waxaa suura gal ah inuu qofka uu arko inuu caqabad ku yahay lacag urursashada uu ku ballamiyo shaqaalaha cisbitaalka iyo xataa kuwa waaweyn oo la dhibo qofkii miskiinka ahaa.

Qaarbaa faylalkooda ogaan loo tuuraa, qaarbaa manida laga dayacaa, qaarbaa dhiigga ogaan loo xumeeyaa oo looga raajiyaa in qaboojiyaha la geliyo haddii uu kasoo dacwoodo ama uu la murmo qofka turjubaanka ah ee soomaaliga ah.

Arrinta hyderabaad ka socotaa maaha wax qalin iyo qoraal lagu koobi karo waa arrin u baahan in dawladda hindiya iyo dawladda soomaalidu ka wada hadlaan oo wufuud loo soo diro oo weliba booliska indiya uu gacanta ku qabto.

La soco—

Yunta
yuntanigimma@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this